March 25, 2017 | Posted by admin

Koox Burcad-badeed ah ayaa markab yar waxa ay ku afduubteen xeebaha degmada Eyl gobolka Nugaal iyagoo gudaha u galay badweynta Hindiya si ay maraakiibta maraysa xeebaha ugu weeraraan.

Burcad badeeda ayaa la sheegay inay ku dejiyeen beriga toban ka mid ahaa shaqaalihii saarnaa doonta iyagoo hore u sii kaxeystey naaquudiyihii doonta,cunto kariye iyo injineer saarnaa doonta.

Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa u xaqiijiyay wakaalada wararka ee Reuters in kooxdan burcad badeeda ay geysteen falkan afduubka ah.

Sarkaalka ciidamada Booliska Puntland u qaabilsan arrimaha burcad badeeda Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa sheegay in ay ka warhayaan kooxdan burcad badeeda ee afduubatay markabka yar.

Toddobaadkii hore ayaa koox burcad badeed ah waxa ay afduub u geysteen markab ku sii jeeday magaalada Muqdisho hase yeeshee dhowr maalmood kadib ayaa waxaa ay sii daayeen kooxda afduubka geysatay markabkii ay qafaasheen.
Maxamed Daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS