March 14, 2017 | Posted by admin

Saraakiisha ammaanka ee Somalia ayaa sheegay in koox burcad-badeed soomaali ay badweynta India ka afduubteen Markab weyn oo nooca shidaalka qaada ah .

Saraakiishan ayaa sheegay in markabkan lala aaday xeebaha Puntland.

Ila-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in markabkan uu ahaa mid ganacsi ah oo watay calanka dalka Imaaraadka.

Madaxda maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in ay weli wadaaan qiimaynta xaladda dhalisay afduubka markabkan iyo wararka la xariira.

ILA-wareedyada ayaa sheegaya in ugu yaraan 8 qof ay ku lug-leeyihiin howlgalka afduubka markabkan.

Waxaa xusid mudan in Howl-gallada burcad badeedka ee afduubka maraakiibta ee xeebaha Somalia ayaa ahaayeen kuwa sii yaraaday saddexdii sano ee la soo dhaafay.

COMMENTS