February 17, 2013 | Posted by admin

Taliyaha Ciidamada Buliiska AMISOM Charles Makuna oo Warbaahinta kula hadlayay Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay in la sameeyo saldhig ay ka wada Howl galaan Ciidamada Buliiska Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM si loo xaqiijiyo Ammaanka Guud ee dalka.

Taliyaha ayaa ku sheegay Muhiimadda Taliskaan in uu faa’iido u leeyahay Ammaanka haddii Qatar deg deg ah la dareemana ay ka hortagi karto durbadiiba.

Charle Makuna oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Buliiska Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM ay ka dhexeyso wada shaqayn aad u wacan oo ku aadan Xoojinta Ammaanka Goobaha Laga Saaray Ururka Al Shabaab isagoo U Mahad Celiyay Talisyada Saldhigyada ku yaallo Magaalada Muqdisho oo uu sheegay in si weyn ay ula shaqeeyaan.

Tan iyo Markii uu bilowday Howl Galka Wada Jirka ee ay iska kaa shanayaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Kuwa AMISOM ayaa waxaa soo hagaagayay Xaqiijinta Ammaanka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

COMMENTS