March 31, 2015 | Posted by admin

Musharaxa mucaaradka doorashada madaxtinimo ee Nigeria, Muhammadu Buhari ee xisbiga APC, ayaa ku guulaysto doorashada.
Sida laga soo xigtay madaxa laanta Hausa ee BBC, Mansur Liman, madaxwaynaha xilka haya Goodluck Jonathan ayaa telefoon u diray Muhammadu Buhari si uu u qirto in doorashada looga guulaystay, uuna ugu hambalyeeyo General Buhai guusha uu doorashada ka gaaray.
Iyadoo dhowr gobol ay dhiman yihiin in natiijadooda lagu dhawaaqo, ayaa Mr Buhari uu ka horeeyaa ku dhowaad sadex milyan oo cod madaxwaynaha xilka haya ee la tartamaya Goodluck Jonathan.
Horay, ayaa muuqaallo rabshado wata loogu arkayay xarunta guddiga doorashada ee magaalada caasimadda ah ee Abuja, markii wakiil ka socda xisbiga talada haya ee PDP, Elder Orubebe uu ku eedeeyay guddoomiyaha guddiga doorashada Attahiru Jega inuu dhinac u janjeero.
Madaxa laanta BBC Hausa, Mansur Liman ayaa sheegay in cabashada ay astaan u tahay in xisbiga PDP uu luminayo dagaalka uu ugu jiro in Goodluck Jonathan dib loogu doorto.

COMMENTS