January 1, 2013 | Posted by admin

London-Dowladda Britain, ayaa eedeysay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu xirriiriyay inuu weerar argagaxiso ka fulin rabay waqooyiga Britain maalmaha ciidda sanadka cusub 2013, kaa soo lagu tuhmay inuu xubin ka yahay ururka Al-shabaab.


Ibrahim Magag, oo da’diisu tahay 28, sano jir ayay sirdoonka Britain ee MI5 sheegeen inuu ka tirsan kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya, waxaana la qabtay isagoo qorsheynaya inuu weerar ka fuliyo goob ay xaflado ka socdeen waqooyiga London.

Mr. Magag, ayaa la sheegay inuu dhaqaale badan ku taageeri jiray kooxda Al-shabaab, isagoo safar uu ku tagay koofurta Soomaaliya kaga qeyb galay dagaalka ay Shabaabku u yaqaanaan “Jihaadka”.

Sidoo kale sirdoonku waxay sheegeen in ninkani uu maamulo 10-nin oo ay wada shaqeeyaan, ayna wada joogaan gudaha dalka ingiriiska, waxaana uu qabaa fikrad xagjirnimo oo aad u fogaatay.

Bishii July ayuu Ibraahim Magag, ka soo muuqday maxkamad ku taal Britain, waxaana lagu sii daayay damaanad, laakiin waxaa sii socday baaritaan ay wadeen sirdoonka dowladda Britain.

Waa markii ugu horreysay oo muwaadin Soomaaliyeed, oo lagu tuhmayo kooxda Al-shabaab maxkamad lagu soo taago dalkani Ingiriiska, tani waxay muujineysaa qatarta kooxda Al-shabaab.

COMMENTS