March 27, 2012 | Posted by admin

Wasiirka dowladda Britain u qaabilsan arrimaha Africa, Henry Bellingham oo Axaddii booqday Muqdisho ayaa ballan qaaday in dowladdiisu ay ka taageeri doonto caasimadda Soomaaliya dhinacyada horumarinta mashaariicda.

Henry Bellingham oo Muqdisho kula kulmay danjiraha Qaramada Midoobay Soomaaliya u qaabilsan Augustine Mahiga, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda Cabdinuur Sheekh Ibraahim Rooble, taliyaha ciidamada AMISOM Maj. Gen. Fred Mugisha iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa u muujiyay in uu ku faraxsan yahay in uu arko horumarka laga sameeyay dhinacyada Road-map-ka iyo ammaanka.

Wasiirka dowladda Britain u qaabilsan arrimaha Africa ayaa ku baaqay in la dardar-geliyo arrimaha dastuur u sameynta dalka, lana dhameeyo xilliga KMG ah ka hor bisha August ee sanadkan.

Dhinaca kale, Wasiirka dowladda Britain u qaabilsan arrimaha Africa Henry Bellingham mar uu guddoomiyaha gobolka Banaadir ka dhageystay dhinacyada nabad-galyada iyo horumarka caasimadda ayaa waxa uu ku dhowaaqay lacag gaareysa £1.5m oo pound ah oo ay ugu tala-galeen in loo isticmaalo mashaariic deg-deg ah oo Muqdisho laga hirgelin doono 12-ka bil ee soo socda.

Mr. Henry Bellingham ayaa ugu dambeyn ka tacsiyadeeyay gaaridii ku timid madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo Axaddii la soo dhaafay lagu aasay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

COMMENTS