June 18, 2017 | Posted by admin

Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa hanjabaad aad weyn u diray dalka Pakistan kadib markii uu dalkaas gaaray Ra’iisal wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif.

Labada Mas’uul ayaa kulan Xasaasi ah ku qaatay dalka Sacuudiga, waxayna ka wada hadleyn waxyaabo la xiriiro Khilaafka dowladaha Khaliijka, iyadoo la rumeysan yahay inuuba guud ahaan ujeedka Safarka Nawaz Sharif uu ku saleysan yahay arrintaan.

Boqorka Sacuudiga Salman ayaa dalka Pakistan u sheegay inaan laga yeeli doonin wax la yiraahdo dhex dhexaad loona baahan yahay inay meel raacdo Qatar ama isbaheysiga Sacuudiga, taasoo lagu tilmaamay inay tahay cadaadis aad u weyn oo ay Sacuudiga sareyso Pakistan.

Safarka  Ra’iisal wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif ee Sacuudiga ayaa ah in dowladaha Khaliijka loo sameeyo dhex dhexaadin isla markaasna khilaafka si wadahadal ah loo soo afjaro, balse wuxuu boqor Salman kala kulmay wax lama filaan ah.

Dalal badan oo islaam ah ayaa doonaya in ay soo afjaraan khilaafka udhaxeeya wadamada Khaliijka.

Maxamed daacad Muqdisho.

Galcad44@gmail.com.

COMMENTS