May 19, 2015 | Posted by admin

Madaxweynaha Mareykanka ayaa mamnuucay in booliska dalkiisa la siiyo hubka culus ee ay adeegsadaan ciidanka milateriga ah.
Aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo, ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya aanay booliska heli doonin gawaarida gaashaaman, tuutaha la isku qariyo iyo qoryaha bambooyinka gana.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii booliska lagu eedeeyay in ay xoog aan caadi ahayn u adeegsadeen dad ku dibad baxayay magaalada Ferguson ee gobolka Missouri, xaggaagii lasoo dhaafay.
Waxaa indhaha dadka soo jiitay sida ay ciidammada ammaanka ugu soo baxeen wadooyinka Ferguson iyaga oo ku hubeysan qalabka ciidanka.
Baaritaan ay sameysay dowladda Mareykanka ayaa lagu ogaaday in qalabka noocaasi ah si khaldan loo adeegsan karo.

COMMENTS