July 5, 2014 | Posted by admin

Nairobi-Ciidamada Booliska Magaalo Xebeedka Mombassa ee dalka Kenya aaya sheegaya in ay ku raadjogaan kooxa hubaysan oo looga shakisanyahay in ay masuul ka yihiin falal amniga lidi ku ah ee Magaladasi ka dhaca sida Dilalka qaraxyadda.

Taliyaha Ciidamada Boliiska Mombasa Sevelino Kubai ayaa Wargayska Daily nation u sheegay in laba nine ee la raadinayo ay yihiin Argagagaxiso Ciidamada Boliiskuna ay gacanta ku soo dhigi donaan.

“ waa aan ku raadjognaa dadkasi waxayna la horkeeni donaa Cadalada, waxa ay maalinti xataa ka sameyeen falal amaan daro ” ayuu yiri Kubai

Mr Kubai ayaa ugu baaqay dadka Shacabka in laamaha amaanka gacan ay ka siiyaan sidii loo soo qabanlaha ragaasi Argagagaxisada ah, isagoo ka dalbaday in ay boliiska la soo xariiran hadii ay hayaan Maclumaad ku aadan Labada Nin ee argagaxisadda uu ku tilmaamay,.

Magaalo Xebedka Mombassa ee dalka Kenyaa aya ka mid meelaha amaan darida Kenya ay samaysay iyadoo magaladaasi ay horay uga dhaceen qaraxyo, dilal qorshaysan, oo sababay in dadkii ajnabiga ahaa ee Magaladaasi dalxiiska u imaan jiray ay isaga cararaan kadib markii dowladahooda ay digniimo ku aadan joogitaanka iyo safarka magaaldasi ay soo saren.

COMMENTS