September 28, 2016 | Posted by admin

Booliska Kenya ayaa dilay nin muddo la doondoonayay oo lagu tuhunsanaa argagaxisonimo magaalada Mombasa shalay.

Ismaaciil Shosi ayaa waxaa dawladu dul dhigtay 2 malyan oo shilinka Kenya ah cidii soo sheegta. Waxaa shalay boliisku ku dileen xaafada Mwandoni ee magaaladaasi Mombasa dalka kenya.
Booliska ayaa sheegay in hub ay kasoo heleen guri uu ku dhuumaaleysanaayay ruuxaan la dilay.
Shosi ayaa waxaa boolisku sheegay in al-Shabaab uu ka tirsanaa Soomaaliyana uu kasoo noqday boolsikuna ku raad joogeen muddo sanado ah.
Qori guriga lagu dilay laga soo helay oo G3 ah ayaa boolisku sheegeen in askari boolis ah oo horay al-Shabaab u dileen uu lahaa.

 

Booliska ayaa intaa ku daray in Shosi iyo afar qof oo kale ay qorsheynayeen in ay weeraro ka geystaan Magaalada Mombasa.

COMMENTS