December 9, 2012 | Posted by admin

Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saacadihii ugu dambeeyay laga sameeyay howlgalo baaritaano ah.

Booliiska dalka Kenya ayaa lasoo sheegayaa inay gacanta kusoo dhigeen dad badan oo Soomaali ah kuwaasi oo laga qab qabtay xaafada Islii oo ay Soomaalida ku badan tahay.

Qaar kamid ah dadka ku nool Magaalada Nairobi ayaa sheegayaa in ciidanka Booliiska ay gacanta ku dhigeen dad badan oo Soomaali ah kuwaasi oo lala xiriirinayo qaraxii ka dhacay Masjidka ku yaala Islii.

Haweenay ku sugan Magaalada Nairobi ayaa sheegtay in Soomaali badan la qabtay oo isugu jira haween iyo rag intaba kuwaasi oo xabsiyada loo taxaabay.

Soomaalida kale ee ku nool dalka Kenya ayeey sheegtay inay soo foodsaartay xaalad cabsi ah oo ku aadan in ciidanka Booliiska ay gacanta ku dhigaan.

Tan iyo markii qaraxa uu ka dhacay masjidka Al-Hidaaya ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa soo badanaye dadka Soomaalida ah oo howlgalkaasi loo qab qabanayo

COMMENTS