July 28, 2016 | Posted by daacad yare

Boqolaal qof oo ka caraysan dilka wiil Soomaali ah ayaa isugu soo baxay fagaarayaasha magaalada Ottawa ee dalka kanada,markii la xaqiijiyay iney Boliisku dileen C/raxmaan Cabdi oo ahaa muwaaddin Soomaaliyeed.

C/raxmaan oo 37 jir ah ayaa dalkaasi galay Siddeed sana ka hor,wuxuuna la noolaa qoyskooda, isagoo madaxa looga jiray una socdeen dawooyin markii ay Boliisku qabanayeen Axaddii.

Halima Said oo ka mid ah ehelada C/raxmaan, ayaa sheegtay inuu ninkani ku dhintay jirdil iyo garaac fara badan oo ay ku sameeyeen ciidanka Boliiska Ottawa.

Xaliimo ayaa dowladda ka codsatay inay sida ugu dhaqsiyaha badan arrintan wax ugu qabato,waxayna sheegtay inay murugada isla qaybsanayaan dadka isu soo abaxy ee ka tiiraanyeysan wiilkooda ama walaalkood ay Boliisku dileen.

Khalliif Ismaaciil oo ah C/raxmaan seeddigiis ayaa dadka isu soo baxay ugu mahad celiyay sida ay dareenkooda u muujiyeen, wuxuuna sheegay inuu si weyn ugu hanweyn yahay inay guulaysataan.

COMMENTS