March 17, 2015 | Posted by admin

Ciidammada Nigeria ayaa sheegaya in ay xooggaga Boko Xaraam dib uga qabsadeen magaalada Bama ee ka tirsan gobolka Borno.
Ciidammada ayaa sidoo kale sheegay in ay Boko Xaraam kala wareegeen gacan ku haynta magaaladii ugu dambeysay ee ay xooggagaasi ka haysteen gobolka Yobe.
Ciidammada Nigeria ayaa sheegay in tiro badan oo ka tirsan Boko Xaraam ay ku laayeen dagaalka ay dib ugu qabsadeen magaalada Bama.
Ciidammada ayaa intaa ku daray in dagaalyahannada Boko Xaraam ee laga saaray magaalada Bama, ay u baxsadeen dhanka soohdinta Chad, ayna dabagalkooda u taallo ciidammada Chad.
Bama ayaa ah magaalo muhiim ah, isla markaana u dhow magaala madaxda gobolka Borno ee Maiduguri, waxaana dhowr jeer weerarro ba’an kusoo qaaday Boko Xaraam, ka hor inta aanay qabsan lix bilood ka hor.
Duulaanka hadda socda ee ka dhanka ah Boko Xaraam, ayaa laga gaaray xoogaa guul ah. Laba ka mid ah saddexda gobol ee ay sida ba’an u saameysay colaadda, ayaa dhammaan magaalooyinkooda hadda ku jira gacanta dowladda.
Boko Xaraam ayaa hadda awood ahaan la wiiqay, balse weli waxa ay leedahay xooggag dagaalka sii wadi kara. Waxaa adkaan doonta in shacabka ka barakacay dagaalkan ay si fudud dib ugu laabtaan guryahooda.

COMMENTS