October 1, 2013 | Posted by admin

Nin ayaa ku dilay gobolka Hiiraan afar wiil oo uu dhalay, sida uu ku soo warramay warbaahinta ee magaaladaas.

Cumar Shire Xasan ayaa la rumeysan yahay inuu ku gawracay afartiisa wiil oo da’doodu ay u dhaxaysay 8 ilaa 2 jir, deegaanka Gal-xamuur oo 30 km bari uga beegan magaalada Beledweyne.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Hiiraan, Kornayl Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in eedeysanaha lagu xiray saldhigga booliska ee Beledweyne.

Kornayl Isaaq wuxuu sheegay in la aasay maydadka afarta wiil ee walaalaha ahaa.

Cumar Shire ayaa la sheegay inuu ka soo laabtay dalka Canada oo uu muddo ku noolaa, wuxuuna sheegay inuu carruurta u kaxaynayo baaddiyaha si ay ugu soo hawo gaddistaan, dabadeedna waa uu gawracay.

Wali si rasmi ah looma garanayo sababta uu u laayay carruurtiisa, walow ay jiraan warar sheegaya in madaxa looga jiray ama uu masayrsanaa.

COMMENTS