February 18, 2013 | Posted by admin

Saddex qof oo ka tirsaneyd maleeshiyada Al-Shabaab ayaa maanta isku dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Taliyaha saldhigga booliska Beledweyne gaashaanle dhexe Cali Cabdi Mahad-Alle oo warbaahinta kula hadlay saldhigga ayaa sheegay in labo qof oo ka tirsan dhallinyarada ay ku hubaysnaayeen qoryaha AK-47, halka midka kalana uu gacan marnaa.

Wuxuu tilmaamay in labo qof ay iska soo dhiibtay dhinaca degmada Maxaas iyo tuulada Moqokori, halka uu qofka saddexaad ka yimid Muqdisho.

Taliyaha ayaa xusay in tan iyo markii ay ciidanka Jubuuti ee ka tirsan AMISOM la howlgaleen ciidanka dowladda ay isku soo dhiibeen 149 maleeshiyo oo ay qaladday Al-Shabaab.

Gaashaanle dhexe Cali Cabdi wuxuu sheegay in ay jirto maleeshiyo kale oo ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheynaysa inay isku soo dhiibto ciidanka dowladda.

Dhallinyarada ka soo baxday Al-Shabaab ayaa warbaahinta u sheegay in ay ku faraxsan yihiin inay isaga soo tageen Al-Shabaab oo ay ku eedeeyeen inay dadka ka dhaadhiciso fikrado qaldan oo aan sal iyo raad ku laheyn diinta Islaamka.

COMMENTS