April 24, 2014 | Posted by admin

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah xilka guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya u magacowday Bashiir Ciise Cali oo si ku-meel-gaar ah xilka u hayay.

Raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa shir guddoominayay kulan uu yeeshay golaha wasiirrada oo lagu ansixiyay guddoomiyaha cusub ee bangiga dhexe iyo ku xigeenkiisa, Maryan Cabdullaahi Yuusuf.

Bashiir Ciise ayaa xilka si ku-meel gaar ah loogu magacaabay dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay kaddib markii ay is-casishay Yusur Abraar muddo yar kaddib markii ay xafiiska qabatay.

Bashiir Ciise Cali ayaa guddoomiye ka noqday bangiga dhexe ee Soomaaliya xilligii dowladdii ku-meel-gaarka ahayd, waana khabiir dhinaca maaliyadda ah. Waxaa looga fadhiyaa inu dib u habayn ku sameeyo bangiga dhexe oo lagu eedeeyay inuu ka jiro musuqmaasuq.

Raysul wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa sheegay inuu ku farxay go’aanka goluhu ku meel-mariyay guddoomiyaha cusub ee bangiga dhexe.

“Bangiga dhexe wuxuu astaan u yahay maareynta dakhliga dowladda iyo daah-furnaantooda.Waxaan filayaa in qorshaha dowladda ee abuuritaanka hay’ado dhaqaale oo shaqaynaya oo la aamini karo ay wax ka tari doonto dadaalka ay Soomaaliya ku dooneyso in ay ku soo celiso sharafteedii,” ayuu war qoraal ah ku yiri raysul wasaare Cabdiweli.

COMMENTS