January 7, 2015 | Posted by admin

Wasiirkii hore Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya Korneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), ayaa aragtidiisa ku biiriyay Maamulka Gobolada Dhexe, oo loo wado in loo dhiso bulshada ku nool Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Isagoo ka soo muuqday Warbaahinta gudaha, ayaa wuxuu tallo ahaan u soo jeediyay in laga horeeyo Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe, oo ay ka horeyso dib u heshiisiin loo sameeyo bulshada degta Goboladaasi.

“Dib u heshiisiin baa ka horeyso Maamul laga dhiso Gobolada Dhexe, waxaan lee nahay hala horumariyo dib u heshiisiinta beelaha Gobolada Dhexe.” Ayuu yiri Barre Hiiraale.

Wuxuu kaloo yiri “Dadka waxay dareensan yihiin inaysan qurux badnayn in Maamul Goboleed laga dhiso Gobolada Dhexe, iyadoo aan dadkii deegaanka loo samaynin wax dib u heshiisiin ah.”

Waxa uu intaa raaciyay “Gobolada Dhexe dhan dagaal baa ka taagan, lix goobood bay colaaduhu ka abuurmayn, iyadoo dadkii is heystaan Maamul looma dhisi karo.”

Hadalka Barre Hiiraale waxa uu ku soo aadayaa, xilli Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Gobolada Dhexe, ay maanta soo jeediyeen in Dhismaha Gobolada Dhexe laga hormarsiiyo dib u heshiisiin loo qabto beelaha.

COMMENTS