January 12, 2018 | Posted by admin

Mashruuc lagu shaqaaleysiinayo 150 dhalinyaro oo ka kala yimid degaanada Dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu daahfuray Magaaladda Cadaado,  waxaana mashruucaan maalgalinayo Xafiiska Ra’iisul wasaraha Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Dhalinyaradaan ayaa imtixaan ugalay shaqo abuurka loo sameynayo, waxaana daadihinyey Wasaaradda Maaliyadda Horumarinta Daqliga ee  Galmudug .

Madasha, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuulyin katirsan Galmudug yo qeybaha kala duwan ee bulshada,  waxa aayna soo dhoweeyen Mashruuca lagu shaqaaleysiinayo dhalinyaradda shaqa la’aanta ah.

Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Maxamad Axmad Faarax oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in talabaadaan ay tahay mid dhalinyarada lagu dhiiragelinayo.

hh-1-640x303 DSC01049-640x360 DSC01048-640x360 DSC01045-1-640x360 DSC01042-1-640x360DSC01048-640x360

COMMENTS