February 3, 2013 | Posted by admin

Siyaasiga Bare Aadan shire Hiraale ayaa sheegay In gacan ku heynta Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubada hoose ay xiligaan toos gacanta ugu gashay Dowlada Kenya.

Bare hiraale ayaa intaas ku daray In xiligaan ay kismaayo Iyo Degaano badan Oo jubooyinka ah ay kuwad sugan yihiin Ciidamada Dowlada Kenya Marka laga reebo degaano yar Oo ay weli gacanta ku hayaan Xarakada Al shabaab.

Waxa sheegay In looga baahan yahay Dowlada Somalia In ay Arimaha Jubooyinka kala hadasho Dowlada Kenya si wax looga badalo Xaalada hada kajirta halkaasi,Waxa uu Bare Hiraale Carabka ku dhiftay In dowlada Kenya Mar Uun laga saari doono Magaalada Kismaayo Iyo Degaanada ku dhaw dhaw taas Oo aan la Ogeyn wax Uu ka damacsan yahay Halkaasi.

Waxa Uu baaq u diray beelaha ku dhaqan Jubooyinka taas Oo ku aadan in ay ka shaqeyan sidii ay U hanan la hayeen Degaanada Uu sheegay In ay Kenya gacanta ku heyso Islamarkaana ay hirgaliyaan Maamul Goboleedka la magac baxay Juba land State.

Comment See all comments
COMMENTS