July 12, 2015 | Posted by admin

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaa Magaaladasi ka taagan cabsi xoogan iyo barakac ay sameynayaan dadka.

Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii ciidamada Ethiopia iyo kuwa Maamulka Jubbaland ay ku sii siqeen deegaano ka tirsan Degmada Baardheere ee Gobolkaasi Gedo.

Dadka Degmada Baardheere, ayaa bilaabay inay isaga barakacaan Magaalada markii ay maqleen in ciidamada huwanta ay ku dhaw yihiin Baardheere si dadka ay uga nabadgalaan in dushooda lagu dagaalamo, maadaama xaalada taagan ay tahay mid colaadeed.

Haweenay ka mid ah dadka Degmada Baardheere, ayaa sheegtay in dadkii ugu badnaa Magaalada ay isaga barakaceen oo ay aadeen deeganada miyiga ah iyo sidoo kale deeganada kale ee hoostagga Degmada Baardheere oo ay u arkaan inay uga nabadgeli karaan, hadiiba dagaal uu Baardheere ka dhaco.

Sidoo kale Wariye ku sugan magaalada Garbahaareey ayaa soo warinaya in ciidamada Huwanta oo aad u hubaysan ay kulaalayaan Degmada Baardheere, Shabaab ayaa dhankooda waxa ay amaro ku soo rogeen dadka deegaanka amaradaasi oo ku aadan ka qaybgalka dagaalka lagu difaacaayo Baardheere
– See more at: //risaala.net/articles/27128/Barakac-ka-biloowday-Degmada-Baardheere#sthash.CkM64rAQ.dpuf

COMMENTS