December 29, 2012 | Posted by admin

Nairobi- Waxaa sare u sii kacaya tirada dadka Soomaalida ee ka baxaya garoomada diyaaradaha ee magaalada Nairobi ee wadanka Kenya kadib markii masuuliyiinta amaanka Kenya iyo boolisku ay ku celceliyeen in Soomaalida ay ku laabato xeryaha qoxootiga.

Waxaa dhanka kale sare u sii kacaya baaritaanada, hawlgallada qabqabashada iyo xarigga joogtada ah ee lagu hayo dadka Soomaalida ee ku sugan magaalada Nairobi taasoo horseeday in ganacsatada iyo cidkasta oo Soomaali ah ay raadsadaan meel ay uga baxaan Nairobi.

Dhaqaale badan oo laga saarey bangiga dhexe

Tan iyo intii dawlada Kenya si rasmi ah ugu dhawaaqday inay Soomaalida dib ugu laabtaan xeryaha qoxootiyada iyo dalkooda ayaa waxaa sii kordhayey tirada dadka ganacsiyada leh ee lacagahooda ka qaadanaya bangiga dhexe ee wadanka Kenya oo ay ganacsato badan xisaabi uga furan yihiin.

Illaa hadda laga soo bilaabo horaantii bishan Disembar waxaa bangiga dhexe ee Kenya laga saaray lacago kor u dhaafeysa 3.9 bilyan K.Sh. (oo ah lacag ka badan 45 milyan doolarka Mareykanka), Waxaase laga yaabaa in lacag la bixidfaan bilowga ah ay sare u sii kacdo bilaha soo socda, sida ay sheegayaan khubaro dhanka maaliyada oo Soomaali ah oo ku sugan Nairobi.

Prof Maxamed Maxamuud oo ka mid ah la taliyaasha madaxa bannaan ee dhanka dhaqaalaha kala taliya qaar ka mid ah hay’adaha samafalka oo fadhigiisu yahay Nairobi ayaa Raxanreeb u sheegay inuu qiyaasayo in lacagta ay la baxday ganacsatada Soomaalida ay wax u dhimeysa qulqulka lacagta wadanka ee dhanka ganacsiga (cash inflow).

“Marka ay lacag adag oo caddaan ah ka baxdo waddanka waa la dareemaa si dhakhso leh waayo qulqulka lacagta ee wax lagu kala iibsado waxay ku xiran tahay cadadka lacagta guud ee wadanka.” ayuu yiri Prof Maxamed Maxamuud oo ah la taliye madax bannaan.

La taliyaha oo Raxanreeb weydiisay inta uu ku qiyaasi karo hantida Soomaalida ee taalla Nairobi ee isugu jirta lacag, guryo iyo badeecooyin kale ayaa wuxuu sheegay in balaayiin doolar ay gaareyso, taasina laga garan karo dhismayaasha ku yaalla suuqa Islii oo qaarkood 10 milyan oo doolar ay ku baxday dhismayaashooda kaliya.

Xaggee u guurayaan Soomaalida?

Inta badan ganacsatada Soomaalida ee Islii ayaa afka saaray magaalada Kampala ee wadanka Yugandha halkaasoo ah meesha labaad ee ganacsiga Soomaalidu yaallo wadamada ku yaalla Bariga Afrika.

Magaalada Kampala waxaa toddobaadkan oo kaliya gaaray boqollaal ganacsato Soomaali ah oo raadinaya meelo ay ku ganacsadaan.  Waxaa kaloo xusid mudan in qoysas deganaa Nairobi ay deegaan ahaan ugu guureen Kampala.

Dadka u guuraya Kampala waxaa ka mid ah arday waxbarasho ka wadatay Nairobi kuwaasoo amaan darrida taagan iyo beegsiga booliska Kenya darteed u socdaalay wadanka Yugandha si ay u helaan jaamacado ay u bedelan karaan si ay waxbarashadooda u sii wataan.

Kirada guryaha iyo goobaha ganacsiga ayaa sare u kacay halka hotelada Kampala laga dareemayo Soomaalida faraha badan ee soo galeysa, sida uu sheegayo wariye ka tirsan Raxanreeb oo u kuurgalay.

Dhanka kale, garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalin kasta ka degaya Soomaali fara badan oo dalka ku laabanaya kuwaasoo u badan kuwa ka guuraya wadanka Kenya.  Shalsy oo Jimce ahayd waxaa garoonka yimid illaa saddex duulimaad oo ay kala lahaayeen shirkadaha African Express,Jubba Airways iyo Central Air waxayna dhamaantood ka yimaadeen dalka Kenya.

Haddii ay tagto garoonka diyaaradaha waxaad arkeysaa haween carruur sita iyo rag ku soo laabanaya Muqdisho kuwaasoo qaarkood kuu sheegaya inay tahay markii ugu horeysay ee ay Muqdisho yimaadaan labaatan sano.

COMMENTS