April 26, 2017 | Posted by admin

Dibadaxyadan oo ay ka qeybgalleen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa xoogooda ka dhacay magaalooyinka Jowhar iyo Balacad oo ka wada tirsan gobolka Shabeellaha dhexe, halka magaalada Beledweyne maamulka gobolka Hiiraan iyo mas’uuliyiinta ka tirsan Hirshabeelle dadka meel fagaaro ah kula hadleen.

Dadka ka qeybgallay dibadbaxyda ka dhacay Jowhar iyo Balacad ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in ay cunaqabateyneyso dadka ku dhaqan deegaannada maamulka Hirshabeelle, iyaga oo dhinaca kalana sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aankii madaxweynaha maamulka.

Dibadbaxayaasha ayaa sitay boorar ay ku qornaayeen halku dhegyo ka tarjumayay ujeedada banaanbaxa waxaana ka mid ahaa”Waan diidanahay in cunoqabatayn la saaro Hirshabeelle, waxaan taageersannahay go’aanka madaxweynaha maamulka, Waan diidanahay xadgudubka dowlada federalka ku hayso Hirshabeelle iyo halku dhegyo kale.”

Dibadbaxa ka dhacay Jowhar ayaa waxaa ka qeybgallay wasiirka duulista hawada Hirshabeelle Maxamed Cabdule Batalaale,Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda C/karin Cali Nuur,wasiir ku xigeenka dastuurka Maxamed Siyad Kheyre,xildhibaan Barqadle,guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaran iyo oday dhaqameedyo.

Magaalada Beledweyne mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo xubno ka tirsan gollaha wasiirada maamulka Hirshabeelle ayaa dadka meel fagaaro ah kula hadlay iyaga oo dhaliil u jeediyay dowladda Soomaaliya.

Dowladda federaalka ayaa dhawaan soo saartay amar looga joojinayo garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar diyaaradihii Khaadka ee tagi jiray Balse arintaas ayaa dhalisay in Shacabka Hirshabeelle ay ka banaanbaxaan.

Dhanka kale waxaa Xusid mudan iyo Hawada Soomaaliya loo magacaabay Ruux ka soo jeeda Magaalada Jowhar waxaana Taasi ay Fursad sii siinaysaa Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS