April 26, 2017 | Posted by admin

hirshabelle-flag

Wararka ka imanaya qaar
kamid ah magaalooyinka dowlad goboleedka
Hirshabeelle ayaa sheegaya in ay socdaan
qabanqaabada banaanbaxyo lagu taageerayo
dowlad goboleedka Hirshabelle loogagana soo
horjeedo dowlada federalka Soomaaliya.

Magaalooyinka Jowhar,Beledweyne iyo Balcad
ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay ka
dhacaan banaanbaxyadan iyadoo xiriirka u
dhexeeya dowlad goboleedka Hirshabelle iyo
dowlada federalka uusan wanaagsanayn.
Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka
Hirshabeelle Mahad Xasan Cismaan ayaa Sheegay in banaanbaxydan ay yihiin
kuwo lagu muujinayo dareenka shacabka
Hirshabeelle ee ay ku aadan taageerada ay u
hayaan dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo sida
ay u diidan yihiin in lagu xadgudbo
xuquuqdooda.
Wasaarada duulista hawada ee dowlada
federalka ayaa dhowaan ka joojisay diyaarado
qaad geynayay magaalada Jowhar in ay ka
degaan garoonka diyaaradaha ee magaalada
Jowhar iyadoo qaadkaasna uu ahaa mid dhinaca
dhulka ah lagu geynayay caasimada dalka ee
Muqdisho.
Ganacsatada qaadka iyo dowlada federalka ayaa
isku khilaafay canshuur laga qaadayay qaadka
taasoo ugu dambeyntii ay ganacsatadu heshiis la
gaareen dowlad goboleedka Hirshabeelle. Hase
yeeshee ganacsatada qaadka iyo dowlada ayaa
ka heshiiyay khilaafkii dhex yiil iyadoo dib ay u
bilaabeen ganacsatada inay isticmaalaan
garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulahi
Cosoble ayaa dhowaan sheegay in la doonayo in
cunoqabatayn la saaro Hirshabeelle balse aysan
ka oggolaan doonin cunoqabatayntaas.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS