September 13, 2017 | Posted by admin

Dibad baxayaal taageersanaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya  ayaa maanta isugu soo baxay Qaar  ka mid ah waddooyinka Waa wayn ee Muqdisho ayaa rasaas lagu kala  eryay.

Risaasta ayaa Timid kaddib markii ay isku dayeen inay ku hor-banaan baxaan Xarunta golaha shacabka ee Muqdisho oo Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ku la haayeen Shir Culus.

Dadka dibad baxayay oo isugu jiray haween, iyo carruur ayaa watay sawirada Madaxda dowladda Soomaaliya  iyo boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo kala duwan oo Ku aadan Taageerada Xukuumada.

 

Ciidamada Booliska ee ilaalada ka hayay xarunta golaha shacabka ayaa dadkaan rasaas cirka ugu riday, si ay u kala eryaan, kaddib markii ay soo gaareen dalcada Taalada Sayidka oo ku dhow xarunta Golaha shacabka, Taas oo Cabsi Gelisay Ciidamada in ay Fowdo ka Kiciyaan Afaafka Hore ee Xarunta Baalamaanka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dibad baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka xun yihiin in ciidamada ay rasaas ku kala eryaan, isla markaana ay taageersan yihiin Xukuumadda, ayna ka soo horjeedaan in Xukuumadda laga keeno mooshin.

Banaanbaxaan ayaa Yimid ka dib Markii Arinta C/kariin Qaldhi dhagax ay Siyaasad Culus ka dhax-abuurtay Golayaasha Dowlada, Waxaana Shirar deg deg ah ka Yeeshay Dhowr Jeer Xildhibaanada  Labada aqal.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS