July 27, 2017 | Posted by admin

Muqdisho waxaa Maanta ka dhacay Banaan-bax rabshado watay oo looga soo horjeedo shaqaaqadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu dilay Askar.

Shacab farabadan oo ka caraysan Dhacdadii shalay ka dhacday Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Wadada Maka Al-mukarama Maanta isugu soobaxay  iyadoo dadweyne careysan ay qayb ka ahaayeen kuwaas oo  dhagxaan ku jaray qaybo ka mid ah wadada.

Dadkan ayaa ka careysan Sarkaal ka Tirsanaa NISA  oo lagu dilay iska hor imaadkii shalay dhex-maray Ciidamada, waxaana ay ku qeylinayeen inay rabaan cadaalad, cidii ka dambeysayna sharciga la horkeeno.

Ganacsiga qeybo ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama ayaa la xiray  waxaana dadweynahan careysan ay dhagxaan la dhacayeen gaadiidka dadweynaha ee wadada marayay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Xasilinta oo isku dayay in dadka dibad baxayay ay dajiyaan ayaa dhagxaan lagu bilaabay, iyadoo dib u laabteen Ciidamadii Halkaa ku sugnaa.

Wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahana inta u dhaxeysa Isgoyska Sayidka iyo Dabka ayaa muddo u xirnaa dadka isu soobaxa dhigayay.

Dowladda Soomaaliya ayaa guddi u saartay shaqaaqadii shalay dhacday, iyadoo xabsiga la dhigay dhamaan ciidamadii ku lugta lahaa iska hor imaadka.

 

COMMENTS