September 28, 2016 | Posted by admin

Banaanbax looga soo horjeedo Duqeynta Diyaaradaha Mareykanka ay ka geysteen Degaanka Jeexdin Ee Gobolka Mudug islamarkaana ay Fariisin ku leeyihiin Ciidamada Difaaca Dowladda Galmudug ayaa ka socda Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Banaanbaxa ayaa waxaa dhigaya Boqolaal Shacab ah oo Reer Galmudug ah,kuwaas oo ku Qeylinaya Erayo ah Dooni meyno in la Xasuuqo Ciidankeena,waxaana ay dalbanayaan Banaanbaxayaasha in Talaabo uu qaado Maamuka Galmudug.

dhanka kale Mas’uuliyiinta Galmudug ayaa sheegay in Weerarkaas ay fuliyeen Ciidamada Mareykanka iyo kuwa PIS ee Maamulka Maamulka Puntland oo ka baxay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo.

Sargaal ka tirsan Galmudug ayaa sheegay in si ku talo gal ah ay u Duqeyeen Diyaaradaha Mareykanka Ciidamada Maamulka Galmudug oo ku sugnaa saldhiga ay ku leeyihiin Degaanka Jeexdin ee Gobolka Mudug.

Maamulka Puntland ayaa dhankooda sheegay in ay weerareen Goobo ay ku sugnaayeen alshabaab.

 

COMMENTS