December 2, 2016 | Posted by admin

Magaalada Cadaado ee Xarun KMG ah u ah Maamulka Galmudug waxaa maanta ka dhacay Banaanbax lagu taageerayo Bilshada Bisha Mowliid oo ah Bishii dhalashay Nabigeena Muxamed N.N.K.H.

Waxaana Banaanbaxaasi ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada cadaado.

Dadka ka soo qayb galay Banaanbaxa bisha Mowliid lagu soo dhaweenaayay ayaa waxaa ka mid ahaa Culumaa.udiin iyo waxgarad si wayn looga yaqaano Magaalada Cadaado.

Bishaan oo ah Bisha Mowliid ayaa waxaa la xusaa Dhalashada Nabigeen SCW waxaana si wayn looga xusaa Goobaha Masaajidada ah.

 

COMMENTS