April 19, 2017 | Posted by admin

Magaalada jowhar ee xarunta gobolka shabeellada dhexe waxaa hada ka socda banaanbax xoogan oo lagaga soo horjeedo wasiirka arimaha gudaha maamulka hirshabeelle.

Banaan baxan ayaa ka dambeeyay, kaddib amar ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha, kaasoo ahaa in laga guuro Isbitaalka Jowhar ee ay gacanta ku heyso Hey’adda Intersos, si dhismaha uu xafiisyo ugu noqdo Wasiirada tirada badan ee Hirshabeelle, kuwaasoo aan heysan xafiis iyo deegaan midna.

Dadweyne fara badan oo isugu soo baxay waddooyinka dagmada jowhar ayaa isugu soo uruuray xarunta maamulka hirshabeelle ee magaalada jowhar waxaana dadka ay sheegayan in ay ka soo horjeedaan xariga loo geystay agaasimaha cisbitaalka dagmada jowhar ee intersos iyo amarka wasiirka arimaha gudaha hirshabeelle ee ku aadan in cisbitaalka uu ka guuro xarunta uu hada daganyahay.

Qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay amarka Wasiirka ee uu ku aadan in laga guuro Isbitaalka kaliya ee adeega caafimaad u haaya dadka ku nool Gobolka, isla markaana Wasiirka aanu waxba kala socon xaalada gobolka, labaatankii sano ee la soo dhaafay dibad joog ahaa.

Wasaaradda arimaha gudaha hirshabeelle waxa ay dooneysa in dhismaha cisbitaalka oo ah mid aad u weyn ay xafiisyo u noqdaan wasaaraddaha maamulka hirshabeelle oo la tacaalaya xarumo ay ku shaqeeyaan maadama aysan heysan meel ay saldhigtaan.

Cisbitaalka waxaa gacanta ku heysa hey’adda intersos waxaana uu bixiyaa adeegyo kala duwan waxaana usoo caafimaad doonta dadweyne fara badan oo ka kala yimaada dagmooyinka gobolka shabeellada dhexe iyo xeta gobolka hiiraan.
Halkaan ka daawo sawirrada banaanbaxa.

Maxamed Daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS