September 27, 2016 | Posted by admin

Banaan Bax looga soo horjeeday Xukunkii Dowlada India ay ku riday Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho kaa oo ay dhigayeen Dad aad u fara badan oo iskugu jira Dhalinyaro, Haweyn iyo Caruur oo wata Boorar ay ku qoran yihiin eraro ay ku cabirayaan Dareenkooda iyadona sidoo kale ay ku qeylinayeen erayo ay ka mid yihiin Dowlada India Xukunka ay ku riday Dahlinyaradeen waa mid qalad ah iyo Erayo kale.

Qaar ka mid ah Dadka Dibad baxa dhigayay oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ka xun yihiin Xukunka Dowlada India ay ku riday Dhalinyrada Soomaaliyed,

Waxa ayna tilmaameen in Dowlada Soomaaliya ay ka codsayaan in si Deg Deg ah lagu soo daayo iyadoona sheegay in Beesha Calaamka ay arintaasna ugu baaqayaan in ay ka qayb qaadato sii deesmada dhalinyarada soomaaliyeed.

Banaanbaxa ayaa waxa uu ka dhacaday wadada Wershadaha ee Magaalada muqdisho waxaana xarigaan loo geestay dhalinyarada uu noqday mid dadka soomaaliyeed ku abuuray Qalbi jab.

Madaxwaynaha soomaaliya ayaa xaqeejiyay in xukunka la sheegay in lagu fuliyay dhalinyarada qaar kood uu yahay mid been abuur ah oo warbaahinta ay baahisay.

Maxamed daacad Muqdisho.

COMMENTS