September 28, 2016 | Posted by admin

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay Banaanbax looga soo Hor jeedo Dowlada Wadanka INDIA waxaana banaanbaxaasi soo qaban qaabiyay Maamulka Gobalka Banadir.

Banaanbaxa oo ka dhacay Taalada Daljirka dahsoon ee Degmada Boondheere ayaa waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee Bulshada Gobalka Banaadir Waxa ayna sheegeen in ay ka xun yihiin dhalinyarada ku xiran Dalka India.

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobalka Banadir C/kaafi Maxamuud Makaraan oo banaan-baxa hadal ka jeediyay ayaa sheegay in xariga iyo Xukunka loo geestay dhalinyaradaasi uu saameen ku yeeshay dhalinta soomaaliyeed islamarkaana aysa Habiin jiifan.

Gudoomiye Makaraan ayaa sheegay in dalka soomaaliya Mudo afar sana ah aysan ka jirin wax burcad badeed ah sidaasi daraadeed dhalinyardaani lagu haysta Sharci daro.

Jawaahir Baarqab oo ah Gudoonka Haweenka G/Banaadir ayaa sheegtay in dhalinyaradaasi xukunka lagu fuliyay uu yahay xukun sharci dara ah waxa ayna ugu baaqday Madaxda dowalada iyo shacabka soomaaliyeed in ay arinkaasi ka dhiidhiyaan.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ”Madaale” ayaa dhankiisa  xusay in wadanka soomaaliyeed dhalinyarada ka xiran lagu xiray sharci daro islamarkaana banaanbaxa maanta uu yahay mid looga soo hor jeedo india dhalinyarada ay ka qabatay badeeda islamarkaana ay ku xunto.13179205_1709687395936679_381109632010522084_n

COMMENTS