September 24, 2016 | Posted by admin

Banaanbax Looga soo Hor jeedo Dagaal Xalay ka dhacay Magaalada Jowhar ayaa Goor dhaw ka dhacay Qaybo ka mid ah Magaaladaasi.

Magaalada jowhar ee Xarunta Gobalka shabeelaha dhaxe waxaa goor dhaw ka dhacay Dibadbax looga soo hor jeedo dagaal xalay halkaa ku dhax maray Ciidamo ka wada tirsan dowlada soomaaliya Xaafada Kulmis.

Dadka dibad baxa dhigay ayaa ka cabanayay dhibaatada ka soo gaartay shacabka dagaalkaasi waxa ayna ka dalbadeen in wax laga qabto maadaama dad rayad ah ay wax yeelo ka soo gaartay Dagaalkaasi Xalay.

Wariye Bashiir Cano Booro ayaa soo sheegaya in Maamulka degmada Jowhar dadka shacabka ah uu ka dalbaday in xaalada ay dejiyaan dhibaatada ay ka cabayaana wax laga qaban doono.

Arinkaan ayaa yimid ka dib markii xalay Xaafada Kulmis lagu magacaabo ay iskula dhaceen ciidamo ka wada tirsan dowlada soomaaliya oo qaar kood la sheegay in ay Roonda sameenayeen..

Mohamed Hussein Ahmed Daacad Muqdisho

COMMENTS