July 1, 2015 | Posted by admin

Munaasabadda xorriyadda Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay muddo 26 sano ah xalay laga xusay magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobay.
597AC083-019E-442A-9ACA-66D6EED5B57E_w268_r1

Xuska 55-guurada markii Soomaaliya xornimada qaadatay waxaa kasoo qaybgalay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon iyo diblomaasiyiin badan oo ka socotay waddamada caalamka.

Ban Ki Moon oo halkaasi ka hadlay waxaa hadalladiisii ka mid ahaa:

“Mudanayaal iyo marwooyin Asalaamu Calaykum, Ramadaan Kariim. Waxaa sharaf ii ah inaan idinla dabaaldego afurkan bishan barakaysan ee Ramadaan. Waxaan u mahadcelinayaa wakiilada Soomaaliya inay qabanqaabiyana munaasabaddan. Waxaan u hamabalyaynayaa dawladda iyo dadka Soomaaliyeed 55- guuraha xornimadiina. Booqashadaydii Soomaaliya aan ku tagay sanadkii hore waxaan markhaati ka noqday horumarka joogtada ah ee waddanku samaynayo caqabadaha haysta ka sokow.

COMMENTS