August 24, 2016 | Posted by daacad yare

Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar loo adeegsaday Bambooyinka laga tuuro Gacanta oo lagu qaaday Guri ay Magaalada Muqdisho ka degan yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu ku jiro Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumadda Soomaaliya oo ku yaala Degmada Xamar-weyne.

Hal Qof oo Shacab ah ayaa ku dhintay Weerarka,waxaana ku dhaawacmay Afar kale oo ah Ilaalada Mas’uuliyiinta Weerarka lagu qaaday.

Taliyaha Saldhiga Degmada Xamar-weyne ayaa sheegay in Weerarkaasi loo qabtay Afar Qof oo looga Shakisan yahay in ay ku lug leeyihiin,balse ay baaris ku socoto.

Afarta Qof ee Weerarka Bambaanooyinka ah loo qabtay ayuu Taliyuhu sheegay in laga qabtay Meel u dhaw Guriga Weerarka lagu qaaday oo magaalada muqdisho ku yaala.

COMMENTS