November 24, 2014 | Posted by admin

Mooshinka ay dhawaan soo gudbiyeen xubno ka tirsan baarlamaankanka Soomaaliya, oo codka kalsoonida loogu qaadi lahaa xukuumadda Ra’iisulwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa saakay mar kale la filayaa in la hor geeyo xubnaha Baarlamanka.

Nuqulada moshinka ayaa qorshuhu yahay in loo qeybiyo mudanayaasha si ey u soo aqriyaan.

Dhaq dhaqaaqa la xiriira moshinkan oo ay wadeen xubnaha golaha baarlamanka ayaa xalay oo dhan laga dareemayay hotelada magaalada Muqdisho iyo xarumaha dowladda.

Fadhi dhawaan uu baarlamanka ka yeelan lahaa mooshinkan ayaa buuq ku dhamaaday, iyadoo xildhibaanada mooshinkan ka soo horjeeda ay diideen in mooshinka uu fursad u helo in baarlamanka dhexdiisa laga oogo.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa aad ugu kala qeybsan Mooshinka.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo badan la geeyay meelaha ku dhaw dhaw dhismaha baarlamaanka.

Arrintan ayaa salka ku haysa khilaaf muddo ka dhex jiray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dalalka Deeqda bixiyaya iyo bulshada caalamka ayaa horey uga digay in tani ay Soomaaliya ku hogaamin karto qalalaase iyo daganaansho la’aan siyaasadeed oo hor leh.

COMMENTS
  1. I’ve noticed that credit restoration activity ought to be conducted with techniques. If not, you could come across yourself endangering your rank. In order to realize your aspirations in fixing your credit rating you need to confirm that from this moment in time you pay all of one’s monthly dues promptly in advance of their planned date. It is significant on the grounds that by not accomplishing that, all other steps that you’ll decide to try to improve your credit positioning will not be effective. Thanks for expressing your ideas.