September 7, 2015 | Posted by admin

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee qaar difaacaya Madaxweynaha, halka qaarna ay mooshin ka keeneen Madaxweynaha Somalia, ayaa xilligaan u muuqda kuwa ku kala aragti duwan Warqad kasoo baxday Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka Somalia oo sheegaysay in qaab wada hadal ah lagu xaliyo Mooshinka Guddoonka uu gacanta ku haayo.

Xildhibaan Axmed Aabi Aadan oo ka tirsan Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Somalia, ayaa sheegay xalka mooshinkaan inuu yahay in loo gudbiyo maxkamada sare ee dalka.

Wuxuu sheegay xilligan inaysan wada hadal la galeyn Xildhibaano, Baarlamaanka ka tirsan, sidoo kalena Sharciga uusan qabin in Xeer jajab lagu xaliyo Mooshin Madaxweyne laga keenay.

Xildhibaan Mustaf Muqtaar Guudoow oo Baarlamaanka ka tirsan, ayaa sheegaya Mooshinka inuusan sharci aheyn, sidoo kale khilaaf xilligaan uusan kala dhaxeyn Baarlamaanka iyo Xukuumadda.

“Mooshinkani sharci waaye cidii dhahda ayadaa lagaa rabaa inay Baarlamanka horkeenaan kana dhaadhiciyaan gudiga lakin anagu waxaan leenahay mooshinkan sharci maaha waxaan cadeyneynaa anaga iyo xukuumadda wax wadahadal ah oo aan galeyno majirto wax naga dhexeeyaba malaha ugu dambeyn shacabka Somaaliyeed inay isdajiyaan waxaa kaloo aan usoo jeedineynaa gari laba nin kama wada qosliso waxaa laga rabaa inay kala caddeeyana arinta mooshinkaan”

COMMENTS