July 22, 2017 | Posted by admin

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laalay go’aankii ka soo baxay Maxkamadda Sare Dalka, kaasi oo ku aadanaa in dib loogu laabto doorashada Sideed kursi oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada oo maanta dood ka yeeshay arrintaasi ayaa isku raacay in aanan dib loogu laaban guud ahaan doorashadaasi sideeda Kursi, waxayna cod aqlabiyad leh ku laaleen amarkii Maxkamadda Sare.

Suxufiyiinta ku sugan Xarunta Golaha Shacabka ayaa soo sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kale ay ansixiyeen sharciga loo maraayo, haddii uu banaanaado kursi ka mid ah Golaha Shacabka.

Magacyada sideeda Xildhibaan:-

Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir

Maxamed Saciid Cabdullahi

Maxamed Axmed Abdtidoon

Nadiif Aadan Isaaq

Muna Khalif Sheekh Abu

Cabdicasiis Saalax Carmaan

Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale

Samra Ibrahim Cumar.

 

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS