October 17, 2012 | Posted by admin

Beesha Absuge oo ka mid ah Jufooyinka Beelweynta Waceysle ayaa kulamo ay beryahan ku laheyd magaalada Muqdisho ka soo saartay baaqyo iyo go’aano, iyadoo beeshu si cad ah u sheegtay in aysan jirin cid siyaasad iyo dhaqan ku matasha.

Baaqa ka soo baxay Beesha ayaa lagu sheegay in ilaa laga soo magacaabo cidii matali laheyd, in aanay cidna kula macaamili karin magaca beesha.

Hadaba baaqan ka soo baxay Beesha oo nuqul ka mid ah na soo gaaray ayaa sidan u qornaa:-

BAAQ KA SOO BAXAY BEESHA ABSUGE

Ku: Madaxda ugu sareyso dalka soomaaliya

Ku: Beelweyta Mudulood:

Ku: Beelweynta Waceysle:

UJEEDDO: Baaq ka soo baxay beesha Absuge

Taariikhda 17/10/2012

Waxaan dhamaan qeybaha aan kor ku soo xusnay ku war galineynaa in

Laga bilaabo manta oo ay taariikhdu tahay 17/10/2012

In aysan jirin cid  beesha Absuge Qombor ku matasha siyaasada iyo dhaqanka,  ilaa ay u soo magacowdaan ciddii ku matali laheed  siyaasada iyo dhaqanka, sidaa darteed qeybaha aan kor ku soo xusnay waxaan la socodsiinaynaa in ayna qofna kula macaamili Karin magaca beesha absuge qombor, ama ku siin Karin wax mansab siyaasadeed iyo kursi, haddaba Ciddii ku talaabsata arimahaas wexey noqaneysaa cid sii hurineysa khilaafka beesha absuge, dooneysana in ay kula macaamisho magaca beel weynta absuge qombor shakhsi ama shakhsiyaad si’gaar ah ayagu u danaynayaan, taasoo noqoneysa faragelin qaawan keenina karta kalafogeyn walaal.

sidaa aawgeed  waa  in loo dhega nuglaado baaqan ka soo baxay beesha Absuge lana tixgeliyo walaal nimada iyo cadaalada lana ogolaado in beel walba xaq u leedahay in ay aayaheeda katashato  si cadaalada loo adkeeyo.

FG: Baaqan waxaa ku saxiixan kow iyo labaatanka xubnood (21)

Ee guddiga samata bixintan beesha Absuge oo kala ah

Name                                                                                Saxiixa

  1. Eng : Maxamuud  Maxamed   Calasow (Sagaar) ——- 0618000111
  2. Saciida yacquub Cali Wehliye   ———- —————–0615586712
  3. Maxamed  Isxaaq Yuusuf Cali ——————————-0615183155
  4. Cumar  Xusen Maxamud (Iskoris)  — ———————- 0615960916
  5. Cumar Caraaye Cali  Coofle  ——— ————————-0615733479
  6. Dr. Xusen Geesey Muxudiin ———— ———————-0615965532
  7. Dahir Sh, Cali Guuleed (Shaqaafe)—————————-0615867992
  8. Maxamuud Xasan Maxamuud (Xooshoow)——————-0618036789
  9. Maxamed Saciid Abuubakar Dhiblaawe ———————- 0615501373
  10. Dr. Mursal Xaaji Cabdi Raxmaan——————————0615519777
  11. Dr. Cabdi Nuur Sh, Axmed Caraay—————————-0699968618
  12. Muxumed Xasan Maxamed Calasow ————————-0615966208
  13. Fartuun Nuur Maxamuud warsame —————————0615816146
  14. Cabdi C/laahi Dhicisow (Qoslaaye) ————————0615816028
  15. Qadiijo Axmed Foodle ————————————— 065875716
  16. Iimaan Maxamud Fiidow (Feyley) —————————-0615827728
  17. Maxamuud Cumar Casir (Kabotoy)—————————-0615858779
  18. Nuur Malin Hiraabe ————————————— 0615240029
  19. C/laahi Maxammud Maalin (Faramiliq)———————0615242763
  20. C/rizaaq Maxmuud Waasuge  —————————-0615183409
  21. Macalin Axmed C/laahi Shardi————————–0615842700

MAHADSANIDIIN

COMMENTS