November 7, 2012 | Posted by admin

Hogaaniyaha ururka Alqaacidda Dr. Ayman Al-zawahiri ayaa cajal muuqaal oo uu soo diray, islamarkaana lasoo dhigay baro Internet oo ay adeegsadaan Islaamiyiinta kula hadlay xaraka Alshabaab oo bishi September laga saaray magaaladii ugu weyneyd ee ay gacanta ku hayeen ee Kismaayo.

Hogaamiyaha Al-qaacidda ayaa ku booriyey Al-shabaab iney la dagaalamaan dalalka Kirishtanka ah oo uu sheegay iney Soomaaliya kusoo duuleen.

Cajalka uu soo diray Al-zawaahiri oo lgu magac daray “Fariinteydii Ugu Horreysay ee Mujaahidiinta Soomaaliya” ayuu si gaar ah uga halday ciidamada Kenya ee qabsaday magaalada Kismaayo.

“U diyaar garooba la dagaallanka kirishtanka, una dhadhansiiya kuleylka jihaadka, waa qaniimo la idiin soo diraye, kuna joogteeya dagaalka ku dhufo oo ku dhaqaaqa ah iyo dagaalka gaadmada ah iyo Istish-haadiyiinta (Naftood hurayaal), ee kaalmada Alle iyo aqooddiisa ku barakiciya” ayuu yiri Ayman Al-zawahiri.

Hogaamiyaha Alqaacidda ayaa ku dhiirigeliyey Alshabaab in aayaha ciidamada Midowga Afrika ee Amisom uu yahay jab, isagoo tilmaamay in dalalka reer galbeedku isaga baxeen Ciqaar, lana weerary safaaradaha ku leeyihiin Masar, Yemen iyo Liibiya.

“Bishaareysta, qowmku fadliga Alle wey hoogi doonaan, waxaa lagu jabiyey Ciraaq, Afgaanistaana wey ka bixi doonaan, safiirkoodii Bangazi-na waa la dilay, calamada safaaradihii ay ku lahaayeen Qaahira iyo Sancana hoos ayaa loo dhigay” ayuu sidoo kale yiri Al-zawahiri.

Hogaamiyaha Al-qaacidda Al-zawhiri ayaa Alshabaab u sheegay ineysan ka baqin ciidamada farahada badan ee ka socda Midowga Afrika ee Mareykanku taageerayo.

Sidoo kale, Al-zawahiri ayaa Muslimiinta caalamka oo dhan kula taliyey iney ka qeybqaataan dagaalka ka socda Soomaaliya, oo ku tilmaamay dgaal waajib ah.

Al-zawahiri ayaa ugu dambeyn dadka Soomaalida ku boorriyey iney taageraan Alshabaab kadib markii ciidamada Kenya bishii September galeen magaalada Kismaayo.

COMMENTS