February 19, 2017 | Posted by admin

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa si rasmi ah ugu magacaabay guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan.

Gudoomiyaha La magacaabay ayaa si ku meel-gaar ah u hayay xilkan tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii hore ka dib markii xilka Madaxwayne Ku xigeenka Hirshabeelle loo Doortay Cali Guudlaawe.

Magacaabistan ayaa timid kadib markii uu maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar Madaxweyne Cosoble oo muddo labo bilood ah ka maqnaa xarunta dowlad goboleedka Hirshbeelle.

Axmed Meyre Makaraan ayaa hore u ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee gobolka Sh/dhexe waxana uu xilka guddoomiye ku xigeenka qabtay kadib markii uu guddoomiyihii hore ee gobolka Sh/dhexe Cali Cabdulaahi Xuseen loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle. Axmed Meyre Makaraan ayaa hore u soo noqday guddoomiyaha degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho kahor inta aan loo magacaabin guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh/dhexe.

Hase yeeshee Madaxweyne Cosoble ayaan weli ku dhowaaqin golihii wasiirada iyadoo dhamaadkii bishii Oktoobar loo caleemo saaray Madaxtinimada Maamul goboleedka Hirshabeelle.

Hase yeeshee waxa uu sheegay in uu si deg-deg ah ugu dhowaaqi doono golihiisa wasiirada. Warar ku dhowdhow Madaxtoyada Hirshabeelle ayaa sheegaya in golaha wasiirada ee xukuumada Hirshabeelle ay u badnaan doonaan xildhibaanada Hirshabeelle kuwaasoo oggolaaday in dib loo dhigo muddo labo jeer ah magacaabista golaha wasiirada.

Maxamed Daacad Muqdisho,
[email protected].

COMMENTS