DUHUR-Hogaamiyaha Xoogaga Raaskambooni oo qeyb ka ah howl galada ka socda Jubooyinka Sheekh Axmed Maxamed Islaam oo loo yaqaano Axmed Madoobe ayaa sheegay in howl galada ka socda deegaanada Jubooyinka uu meel wanaagsan marayo.
Axmed Madoobe ayaa sheegay inay rajeynayaan in qabsashada Kismaayo aanu noqon dagaal dhiig ku daata, isagoo xusay in Shabaab la joogo dhamaanshahooda iyo ka bixitaankooda Soomaaliya.
“Howl galada meel fiican ayay marayaan, waxaa fileynaa in hada Afmadow iyo wixii ka shisheeye la joogo, Kismaayana qabashadeeda dhiig kuma daadan doono” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay bilaabeen in beelaha dega Gobolka inay iska hor keenaan, waxaana uu cadeeyay inay ku dadaali doonaan sidii beelaha aanay iska hor imaan laheyn, wax walbana ay xalinayaan sida uu yiri.
Mar uu soo hadal qaadayo shir dhowaan ku soo gaba gaboobay duleedka Magaalada Nairobi oo ay yeesheen ergooyin ka kala socda Gobolada Jubooyinka iyo Gedo, ayuu sheegay in shirkaas uu bilow u yahay sidii loogu gogol xaarayaa in beelaha dega Goboladaas ay maamul u dhan yihiin u yeelan lahaayeen.
“Shabaab anaga kama fikireyn inuu dhib naga horkeeno waa dhamaanayaa, laakiin shabaab kadib in aysan dhibaato imaan oo gobolkan beelaha dega nabad ku wada noolaadaan ayaan rajeynaynaa” ayuu yiri Axmed Madoobe oo xusay in aragtida yar ee dadka ka qaadanayaan shirkaas aanu sax aheyn sida uu yiri.
Ciidamada Kenya oo ka mid ah Howl galka AMISOM, Xoogaga Raaskambooni iyo ciidamo ka tirsan dowladda ayaa howl galo ka wada qeybo ka mid ah Jubooyinka, iyadoo bishii la soo dhaafay ay la wareegeen degmada Afmadow oo qiyaastii 114-KM u jirta Magaalada muhiimka ah ee KIsmaayo.

All Posts
BBC 0400 GMT








