July 30, 2014 | Posted by admin


Madaxa Maamulka Kmg ah ee Jubba, ayaa waxa uu bidhaamiyay inay qaadayaan weerar ka dhan ah Shabaabka ku sugan Deegaanada Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe (Jubbooyinka).

Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa ku waramaaya inay suggayeen inta laga baxaayo Ramadaanka, si ay u qaadaan weeraro ka dhan ah Shabaabka, kolba haddii Ramadaan uu dhammaadayna ay ku dhaqaaqayaan Deegaanada Shabaabka.

Waxa uu intaa ku daray in Shabaabka ay samaynayaan facilo guracan, isagoo xusay inay dadka ka wadanayaan xoolahaha, iyagoo ku sheegaaya inay sako yihiin iyo inay dadka ku dhibaateynayaan ceelasha biyaha laga cabo.

Sheekh Axmed Maxamed Islaam, ayaa ku goodiyay inay u diyaar garoobeen dagaal kama dambeys ah, oo Al Shabaab looga saaraayo dhulka ay weli ka joogto Gobolada Jubbooyinka.

Sidoo kale dadka Deegaanada Jubbooyinka, ayaa waxa uu ku booriyay inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Ururka Al Shabaab, si loo soo afjaro dhibaatada ay ku yihiin bulshada, sida uu yiri.

COMMENTS