November 14, 2012 | Posted by admin

Kismaayo:- Maalin ka hor Magaaladda Kismaayo ee xaruunta Gobbolka Jubbada hoose waxaa gaaray Prof. Gaandi oo isagu hore u sheegay in loo magacaabay Madaxwaynaha Azania. Gaandi saacadihii la soo dhaafay waxa uu Magaalada Kismaayo kulan uu kula qaatay Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

Kulanka waxa uu ujeedkiisu ahaa in Gaandi loogu ololeeyo in gacanta loo galiyo Maamulka Deegaanadda Jubbooyinka. Isla xalay Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay kulan labo geesood ah oo ay wada yeesheen Axmed Madoobe iyo Gaandi. Ujeedka kulanka labada dhinac ayaa diirada lagu saaray cida maamulaysa deegaanadda Jubooyinka oo dhawaan Shabaab laga saaray.

Axmed Madoobe ayaa isagu ku doodaya inuu yahay Madaxwaynaha Maamulka Jubbland ayna haboon tahay in isaga uu maamulo halka Gaandina uu sheegayo in ay haboon tahay in gacanta loo galiyo maamulka Gobbolka. Axmed Madoobe iyo Gaandi oo isku afgarn waayey maamulka Goboladda Jubbooyinka ayaa ku kala tagay sida la sheegayo is-maan-dhaafkaas.

COMMENTS