August 25, 2014 | Posted by admin

Warar Hoose oo ay Heshay Warbaahinta Kulmiye Ee Magaalada Muqdisho Ayaa Sheegaya In Xilka Qaadis Lagu Sameeyay Xasan Afgoi oo Ahaa Madaxii Maaliyada Ee Xarakada Al-Shabaab.

Xasan Afgoi Ayaa Madaxa Maaliyada Waxa Ay Al-Shabaab umagacaabeen Bartamihi Sanadkii 2011 Kadib Kulan Kadhacay Magaalada Baraawe Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Waraka Ayaa Sheegay in Xilka qadista Mas’uulkan Katirsan Shabaab Ay Timid Kadib Amar Kasoo Baxay Hogaanka Sare Ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo Shabaab Dhaxdooda Looga Yaqaano Sheikh Muqtaar Abuuzubeyr, Taasi oo aheyd In Xilka qaadis lagu sameeyye Xasan Afgoi.

Sidoo Kale Majirto Mas’uul Ilaahada Xilkaasi Ay Umagacaabeen Al-Shabaab,Waxaana Lashegay In Sababta Xilkiisa Uu Kuwaayey Ay Tahay Qilaaf Soo Kala Dhax Galay Isaga Iyo Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Godane.

Tan iyo Markii laga Saaray Al-Shabaab Magaalada Muqdisho Ayaa waxaa Soobaxayay Qilaaf Xoogan oo Udhaxeeyay Hogaanka Al-Shabaab iyo Saraakiisha Ka Hoos Shaqeysa Waxaana jiray Saraakiil Ay Iskadileen Shabaab Dhaxdooda oo Isugu Jiray Soomaali iyo Ajaanib.

COMMENTS