May 22, 2015 | Posted by admin

Danjiraha Somaliya u fadhiya dalka Itoobiya, ayaa wuxuu ku soo biiray Musharaxiinta u taagan Madaxtinimada Maamulka Gobolada Dhexe.

Danjire Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo ku soo laabtay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu Khamiistii kaga dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan Hogaanka Maamulka Gobolada Dhexe.

Xaflad lagu qabtay Villa Sultan ee Magaalada Muqdisho, ayuu Axmed C/salaan ka sheegay inuu ku soo biiray loolanka loogu jiro Hogaanka Maamulka Gobolada Dhexe, sida uu yiri.

Xafladda oo ay ka soo qaybgaleen dhinacyo kala duwan, ayaa wuxuu Axmed C/salaan ka codsaday inay taageeraan, isagoona balanqaaday inuu wax weyn u qaban doono dadka deegaanka.

C/salaan, ayaa ku celceliyay in iminka uu diyaar u yahay inuu hogaamiyo bulshada ku nool deegaanada Gobolada Dhexe, isla-markaana uu horumar wanaagsan gaarsiin doono.

COMMENTS