Maamulka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe ayaa ugu baaqay Madaxda DKMG in mar dambe aysan isu soo sharaxin xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya, maadaama ay sheegen in Dowladda ay ku fashilan tahay wax ka qabashada xaaladda Soomaaliya.
Afhayeenka Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada dhexe Kornel C/laahi Axmed Samatar oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda KMG ah muddo 3-sano ka badan ay qaban wayday Wajibaadkii loo igmaday.
Kornel C/laahi ayaa tibaaxay in Dowladda ay ku guul daraysatay Maamul u sameynta gobolada dalka soo cellinta qarannimadii Soomaaliyeed iyo dhisidda Hay’adaha qaranka, waxaana uu sheegay in sidaasi darteed uu ugu baaqayo Madaxda Dowladda in dib dambe aysan isugu soo tagin Xilka Madatinimo ee dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Afhayeenka Maamulka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in Odayaasha dhaqanka loo baahan yahay in laga daayo faro gallin uu sheegay inay ku hayaan qaar ka mid ah Madaxda Dowladda, isagoo xusay in Odayaasha ay yihiin kuwii ka tallin lahaa Masiirka Umadda Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe ayaa horey u eedeeyay Dowladda KMG ah sababo la xiriira wada shaqeyn la’aan, waxaana xusid mudan in Maamulka Ahlu Sunna ee gobola dhexe ay wadaan howlgallo ka dhan ah Xarkada Al Shabaab.

All Posts
BBC 0400 GMT








