April 28, 2014 | Posted by admin

Rag bistoolado ku hubeysnaa, ayaa caawa waxay Magaalada Kismaayo ku dileen mid ka mid ah Ciidamada Maamulka Kmg ah ee Jubba, iyadoo dhinaca kalana laga qaatay qorigii uu watay.

Raggaan oo aan la garanayn garabka ay ka tirsan yihiin, ayaa dhowr xabadood huwiyay askariga, kaa oo goobtaasi ugu geeriyooday rasaastii ay la dhaceen dhagar qabayaasha.

Ilaa 3 nin oo la rumeysan yahay in ay fuliyeen weerarka lagu qaarajiyay ninka askariga ah, ayaa waxay xaafada Calanley oo dilku uu ka dhacay, ay kala baxsadeen qori AK47 ahaa oo uu watay marxuumka.

Goobjooge, ayaa inoo sheegay in xilligaan Ciidanka Jubba ay hawlgal ka wadaan xaafada Calanley, isla-markaana ay baadi-goob ugu jiraan raggii dilkaasi geystay.

Dilka askariga, ayaa waxay xaalad baqdin leh ku beertay dadka deegaanka, maadaama goobaha ay weeraradu ka dhacaan laga sameeyo hawlgalo, saamayn weyn ku yeesha dadka deegaanka.

COMMENTS