December 10, 2012 | Posted by admin

Askari Kiinyaan ah iyo qof rayid ah ayaa xalay lagu dilay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Dilka ayaa lagu soo warramayaa inay geysatay koox hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn. Qof kale oo rayid ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka. Askariga iyo qofka rayid ah ee dhintay ayaa lagu dilay goob qaadka lagu cuno oo ku taalla bartamaha magaalada.

Wargeyska Standard ayaa laga soo xigtay inuu askariga ahaa saajin, hase yeeshee waxaa jira warar is khilaafsan oo la xiriira inuu askariga la dilay ka tirsanaa ciidanka milateriga Kenya ee KDF ama kuwa booliska.

COMMENTS