July 19, 2014 | Posted by admin

Warka aan ka heleyno Xaafada Tarabuunka ee Degmada Hodan Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Xaafadaasi uu ka dhacay dil xun kadib markii Askari careysnaa uu Xaaskiisa six un u dilay.

Ninka dilka geystay ayaa waxaa la sheegayaa inuu ka tirsanaa Ciidamada Booliska Dowlada Federaalka Somalia, waxa uuna dilay xaaskiisa xilli uu kasoo rawaxay shaqadiisa Ciidan, islamarkaana marka uu gaaray Hooygiisa ay kala hor timid buux iyo muran sababay dilka Haweeneyda oo iyadu ahey Xaamilo.

Askariga ayaa waxa uu dilka Marwadiisa u adeegsaday Rasaas, waxa uuna kadib la dhacay Tooreey oo uu ugu dhuftay wadnaha, caloosha iyo dhuunta.

Sidoo kale, Haweeneyda la dilay ayaa la sheegay in lagu Magacaabi jiray Nadiifo Axmed, waxaana iminka gacanta lagu dhigay Askarigii dilay Haweeneyda.

Dilka Haweeneyda ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaa dilal ay Sadexdii bil lasoo dhaafay ay geysanayeen Askar ka tirsan Ciidamada Dowlada oo iyagu muran kadib dil u geysta Xaasaskooda.

Dowlada Federaalka Somalia ayaa inta badan wax talaabo ah ka qaadin Ciidamada dilka u geysanaayo xaasaskooda mana ahan dilkii ugu horeeyay oo uu Askarigaasi geysto.

COMMENTS