August 29, 2014 | Posted by admin

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska ee Somaliya, ayaa waxaa caawa lagu toogtay oo lagu dilay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, mana jirto cid loo soo qab qabtay dilka askarigaasi.

Laba nin oo bistoolado ku hubeysneyd, ayaa askarigaan waxay ku dishay agagaaraha Isbitaalka Digfeer, markii ay dhowr xabadood si gaadmo leh kaga dhufteen qaybaha kore ee jirkiisa.

Raggaan, ayaan askariga ka qaadan qori AK47 ahaa iyo bac uu alaabo ku watay, waxayna halkaasi isaga carareen iyagoo la cararaaya bistooladihii ay marxuumka ku dileen.

Ciidanka Dowladda, ayaa muddo 30 daqiiqadood ka dib gaaray goobtii lagu dilay askariga ka tirsan Ciidamada Booliska ee Magaalada Muqdisho, waxayse markii dambe goobtaasi ka qaadeen meydkiisii, xilli aynaan cidina u soo qab qaban tallaabada lagu guracan ee lagu qaarajiyay.

Nin ka tirsan dadka deegaanka, ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in laamaha ammaanka ay halkaasi gaareen, xilli ay goor sii horeysay cagaha wax ka dayeen dembiile-yaashii askariga toogtay.

Taliska Booliska ee Gobolka Banaadir, ayaa waxaan jirin wax war ah oo uu ka soo saaray askariga ka tirsanaa, ee caawa lagu dilay Degmada Hodan ee Bartamaha Magaalada Muqdisho.

COMMENTS