July 10, 2014 | Posted by admin

Xulka Argentine ayaa u soo baxay ciyaarta final-ka koobka addunka, kaddib markii rigoorayaal 4-2 ay uga adkaatay xulka dalka Netherlands . Labada kooxood oo ciyaar xiiso badan maanta yeeshay, ayaa 90-kii daqiiqo barbar dhac ku dhameystay.

Xulka Argentine wuxuu ciyaarta final-ka maalinta Axadda ah la ciyaari doona xulka Jarmalka oo iyagu shalay si qurux badan uga adkaaday xulka dalka Brazil.

Xulka Brazil iyo xulka Netherlands ayaa Sabti yeelan doona ciyaar ay ku tartami doonaa kaalinta saddexaad ee koobka Adduunka.

Ciyaaraha koobka Adduunka waxaa marti galinayay dalka Brazil, waxaana ka soo qeybgalay 32 dal oo ka kala socda qaaradaha dunida.

COMMENTS